TERM & CONDITIONS
Terms and Conditions
Qawaaniintani waa kuwa loo dejiyey in lagu dhaqo hawlqabadka iyo shaqada wadar maalgelineedka (Invest-Event-Donation) ee Mazeed Technology LTD.
Guulaystaha waa inuu ilaaliyo shuruucdan iyo qodobada soo socda:
Cid kasta oo isticmaale ah oo soo geliya macluumaad been ah, isla markiiba isticmaalkiisa ayuu waayayaa, khadkana waa laga saarayaa.
Waa inuu guulaystuhu dakhligaasi u isticmaalo SHAQO-ABUUR wax ku soo kordhinaysa bulshada JSL.
Inanu dakhligaasi u isticmaalin inuu ku gaadho dano gaar ahaaneed.
Inuu dakhligaasi u isticmaalo inuu ku gaadho dano la xidhiidha ganacsi ama waxbarasho.
Inanu dakhligaasi u isticmaalin in lagu gaadho dano xidhiidh la leh SIYAASAD.
Inaan loo isticmaalin dakhligaasi waxyaabo sharci darro ah ama falal dhinaca dambiyada la xidhiidha.
Inaan loo isticmaalin dakhligan in lagu dhibaateeyo ganacsi amaba qof dhaqaalihiisa.
Qofkii guulaysta mar wuxuu sugayaa labaatan campiagn si nasiibkiisa markale u tijaabiyo.
Qofkii raba inuu Mashaariic khayri ah maal-galiyo isagoo platformka MazeedApp isticmaalaya wuxuu u baahan yahay inuu ka haysto ogolaansho dawladda JSL, tusaale ahaan haduu rabo Masaajid inuu maal-galiyo waa inuu ogolaansho ka haysto wasaarada Diinta iyo awqaafta JSL.
Dhammaan ka qayb qadashada campaign-nada waa kama dambays, Mana jiri doonto dib u celin lacageed.
Dhamaan ka qabgalayashu waxay qaadayaan masuuliyadda 100% dakhliga uu mid waliba masuulka ka yahay.
Guulaystaha campaign-ku wuxuu haystaa sodon maalmood inuu ku shaaciyo nooca shaqo/adeeg abuurka ee uu jecel yahay inuu ku soo kordhiyo bulshada.
Dhammaanba guulaystayasha campaign-nada waxa waajib ah in dib loo eego, go’aanka kama dambaysta ahna waxa iska leh Mazeed technology LTD.